Mareykanka oo Fiisaha dalkugalka u diiday Wasiirka Arrimadda Dibadda Iran

HomeWararka

Mareykanka oo Fiisaha dalkugalka u diiday Wasiirka Arrimadda Dibadda Iran

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in Mareykanka uu u diiday fiisaha dalkugalka. Mohammad Javad Zarif ayaa magaalada

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Xariga ka Jaray Mashaariic laga Hirgeliyey Buuhoodle (Dhegayso)
Hadalhaynta Saaka iyo Diyaarado Dagaal oo Garoowe Dulmaray, (Sawirro)
Shacabka magaalada Bosaso oo ku baaqay in la dhiiri geliyo wax soo saarka dalka (dhegayso)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in Mareykanka uu u diiday fiisaha dalkugalka.

Mohammad Javad Zarif ayaa magaalada New York kaga qaybgeli lahaa shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo furmi lahaa todobaadkan gudahiisa

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaga hadli lahaa dilkii Mareykanka uu u geystay Janeraal Qassem Soleimani.

Mareykanka ayaa jabiyey heshiis QM oo dhigaya in siyaasiyiinta iyo safiirada waddamada is haya aan loo diidi karin fiisaha dalkugalka, heshiiskaasi oo la gaaray sanadkii 1947.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in sababta ay u diiday fiisaha ay tahay xaalad amni.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: