Mareykanka oo cambaareeyay tacaddiyo laga geystay gobolka Tigray

Mareykanka oo cambaareeyay tacaddiyo laga geystay gobolka Tigray

Mareykanka ayaa cambaareeyay tacaddiyada la sheegay inay ka dhaceen gobolka Tigray isla markanaa wuxuu ugu baaqay Midowga Afrika inay xal u raadiyaan ‘xaaladda sii xumaaneysa’ ee ka taagan gobolkaas.

“Waxaan si weyn uga walaacsanahay xaaladda banii’aadimo ee kasii dareysa” ayuu yiri Anthony Blinken oo ah xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka.

Wuxuu soo dhaweeyay ballanqaadka dowladda Itoobiya ee ku aadan in taageereyso gargaarka loo fidinayo shacabka Tigray iyo baaqyada caalamiga ah ee ku saabsan in la baaro tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka.

Warbixin kasoo baxday ha’yadda Amnesty ayaa lagu sheegay inay dhici karto in dambiyo dagaal la geystay Tigray.

Amnesty ayaa ku eedeysay ciidamada Eritrea in boqolaal qof ay ku dileen magaalada qaddiimiga ah ee Aksum intii u dhexeeysay 28-dii iyo 29-kii bishii Nofeembar.

Dowladda Eretariya ayaa beenisay eedeymo ku saabsan in militarigeeda ka dagaallamaya gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya ay dileen boqollaal qof oo ku sugnaa magaalada Aksum.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa horaantii bishii November amar ku bixiyay in dagaal lagu qaado gobolka Tigray oo ay maamulkiisa gacanta ku hayeen xisbiga TPLF, kaddib markii xoogaggooda ay qabsadeen saldhig ay gobolkaas ku lahaayeen militariga federaalka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com