Rooble oo kulan doorashooyinka looga hadlayay la yeeshay Beesha Caalamka

HomeWararka

Rooble oo kulan doorashooyinka looga hadlayay la yeeshay Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka, kaas o

XULASHADA DALJIR | XASAN BAASHE | GAROWE 21-JULY-2022
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Qatar & Soomaaliya oo kawadda hadlay xirirka labada dowladood

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka, kaas oo looga hadlay sii wadista wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo.

Shirkan ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee qabsoomay 25-kii Febraayo.

Qoraalkan waxaa lagu daabacay barta Facebook ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0