Mareykanka iyo Venezuala oo xiisaddoodo gaartay meeshii u saray, kadib

HomeWararka

Mareykanka iyo Venezuala oo xiisaddoodo gaartay meeshii u saray, kadib

  Madaxwaynaha Venezuela ayaa amray in dib loo eego xiriirka diblomaasiyadeed ee wadankiisa kala dhaxeeya dowladda Mareykanka, kadib markii uu

Kaalmee Imaan: Codsi Hoggaanka DFS, Madaxweyne Gaas iyo Dhammaan Bulshada Soomaaliyeed (dhegayso)
Mareykanka oo Ciidamadiisa kala baxaya Saldhigga Bagram ee Afghanistan
Waxgaradka Puntland ee Qurbajoogta ah oo Baaq Nabadeed u diray Beelaha isku haya Cagaare (dhegayso)

 

Madaxwaynaha Venezuela ayaa amray in dib loo eego xiriirka diblomaasiyadeed ee wadankiisa kala dhaxeeya dowladda Mareykanka, kadib markii uu ku eedeeyey dowladda Washington inay doonayso inay inqilaab ka fuliso wadankiisa, isagoo ka jawaabaya muuqaal uu soo duubay madaxwaye kuxigeenka dalka Mareykanka Mike Pence.

Maduro ayaa sheegay inuu ku dhaqaaqi doono talaabooyin cusub saacadaha soo socda, kadib madaxwayne kuxigeenka Mareykanka Pence markii uu ku dhawaaqay inay taageerayaan dibadbaxyaaasha iyo hogaamiyeyaasha mucaaradka wadankaasi Venesuala oo maanta oo Arbaco ah qorshaynaya inay dhigaan dibadbaxyo waawayn.

“Anigoo ku hadlaya madaxwaynaha Mareykanka iyo dhammaan shacabka Mareykanka , ii ogolaada inaan cadeeyo dowladda Mareykanka inay taageerayso in la maqlo codka dadka xornimo doonka ee Venesuala” ayuu yiri Pence oo soo duubay cajalad muuqaal ah oo English iyo dhowr erey oo Spanish ah  isagoo adeegsanaya.

“Nicolas Maduro waa kaligii taliye aan wax sharci ah ku imaan , mana ku guulaysan doorashadii kadhacday dalkaasi qaab hufnaan oo madaxbanaan ah” ayuu yiri madaxwayne kuxigeenka Mareykanka Mike Pence.

Mucaaradka Venezuela ayaa maanta oo Arbaco ah qorshaynaya inay dhigaan dibaxyo waawayn oo ay uga soo horjeedaan madaxwayne Maduro, kaasi oo lagu soo beegay xilliga sanad walba la xusi jiray inqilaabkii militari ee ka dhacay dalkaasi 1958, waxaana la filayaa taageerayaasha dowladda inay iyaguna qaadaan waddooyinka.

Isagoo ka jawaabaya hadalka madaxwayne kuxigeenka Mareykanka ayaa Maduro waxaa uu si kulul u yiri ” Qof darajo sare haya sidaan oo kalle hadda mana kuma hadlin erayada noocyadaasi oo kalle  inay shacabka ay dowladda ay afgamniyaan”

Maduro ayaa loo dhaariyay madaxwaynaha dalkaasi lix sano oo soo socota, bishii Janaayo ee sanad kahor , waxaana qaadacay doorashadiisa mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo ku tilmaamay doorashadaasi inay ahayd mid lagu shubtay.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: