Maraykanka oo taageeray go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika

HomeWararka

Maraykanka oo taageeray go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika

Xafiiska Arrimaha Afrika ee Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa taageeray go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee ku cam

15 Sacuudi oo lagu tuhmay in ay dileen deedna jarjareen Jamaal Khashoggi oo masawiradooda la shaaciyey
Dani waa Seeto oo Mar haddii Xoolihii iga Dhammaadeen Dantu waa God Qodis
Maxay Ciidamadii Militariga ee Soomaaliya uga dhignaayeen Afrika iyo Caalamka (dhegayso)

Xafiiska Arrimaha Afrika ee Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa taageeray go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee ku cambaareeyay muddo kordhintii Golaha Shacabka u sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Warkan qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu soo dhoweeyay dhexdhexaadinta Midowga Afrika, iyadoo madaxda Soomaalida loogu baaqay inay heshiis degdeg ah ka gaaraan doorashada.

“Waxaan taageersannahay go’aankii Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay muddo kordhinta ay toddobaadkii hore ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya. Waan soo dhaweynaynaa dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxaan ku boorineynaa Madaxda Soomalida inay heshiis degdeg ah ka gaaraan khilaafka doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa kulan ay ka yeesheen arrimaha soomaaliya waxaa ay ka soo saareen war-murtiyeed ay ku cambaareeynayaan go’aankii golaha shacabka ay muddada kordhinta ugu sameeyeen madaxwaynaha waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: