15 Sacuudi oo lagu tuhmay in ay dileen deedna jarjareen Jamaal Khashoggi oo masawiradooda la shaaciyey

Jamaal Khashoggi oo ay ugu war danbaysay maalin Talaado 1:00 PM saacadda Istanbuul, 2 Aktoobar 2018, kaddib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul, asaga oo ka doontay dukmentiyo nikaax xaas cusub iyo furriin mid hore ayaa waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in Jamaal lagu dhex dilay, deedna jirkiisa ay jarjareen 15 nin oo isugu jira ciidamada ilaalada Amiir Maxamed bin Salmaan, kuwa sirdoonka, iyo hal dhakhtar oo ku takhasusay jirka, hawlboowlayaasha, iyo raadinta raadka danbiyada culus, magaciisana lagu sheegay Dr. Salah Muhammed Al-Tubaigy.

Dr. Salah Muhammed Al-Tubaigy, head of the Forensic Evidence at the Saudi General Security Department 

Warar, sawirro iyo muuqaalo CCTV oo ay baahiyeen sirdoonka Turkiga ayaa sheegaya in ay tuhmayaan in Jamaal lagu dhexdilay qunsuliyadda, ayaga oo caddaymo uga dhigaya xaqiiqooyinka hoose:

  1. Isla barqadii 2 Aktoobar qunsuliyadda waxaa galay 15 nin oo ku yimid 2 diyaaradood oo khaas ah
  2. 2 saac kabacdi markii Jamaal uu qunsuliyadda galay, waxaa isla qunsuliyadda ka baxay dhowr gaari oo dhammaantood muraayaduhu modowyihiin iyo gaari ‘van” Marseediis ah oo kuwa xammuulka qaada ah
  3. Dhammantood gawaaridaas wada muraayadaha madow waxa ay wada galeen guriga deegaanka qunsuliyadda oo 500 mitir u jira isla qunsilayadda
  4. Inta Jamaal uusan qunsuliyadda galin, sirdoonka Mareykanku waxa ay hawada ka qabteen hadalo sirdoonka Sacuudiga iyo sidii Jamaal gacanta loogu dhigi lahaa, laakiin uma aysan digin
  5. Dhakhtarka oo kamid ahaa 15 nin oo diyaarado khaas ah ku yimid waxa uu la yimid miinshaar, miinshaartaas oo hadda sirdoonka Turkigu ay yiraahdeen waa tan lagu jarjaray Jamaal Khashoggi
  6. Hawlgalka waxa uu ku dhamaaday 2 saac gudahood, markaasna labada diyaaradood midna Qaahira bay u duushay, midna Riyaadh

Jamaal Khashoggi oo subax Talaado, 2 Akt, galaya qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbuul iyo sawiradda askarta lala xiriirinayo dilkiisa

Isla maanta dowladda Sucuudiga oo horay u oggolaatay in Turkigu baaro qunsuliyadda waa ay ka noqotay, waana diidday in tiim ku takhasusay raad-raadinta iyo faraha danbiyada ay hadda qunsuliyadda iyo guriga qunsuliyadda galaan.

Dhanka Mareykanka, Madaxweyne Trump oo wax laga weydiiyey raad la’aanta Jamaal Khashoggi oo asaga oo bad qaba galay qunsuliyadda laakiin aan dib danbe loo arag ayaa ku jawaabay, “qisooyin aad iyo aad u xun baan maqlayaa. Mana aha wax aan u bogay oo aan raalli ka ahay.” Madaxweyne Kuxigeen Pence ayaa asna Tweet-gareeyey “adduunka xorta ahi waa jawaab suge, waana in aan jawaab helno.”

Tim Kaine, Senator laga soo doorto gobolka Virginia, USA, oo ah deegaanka Jamaal Khashoggi ayaa asna sheegay in aysan Sacuudiga saas uga hari doonin, uuna farriin adag u diray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, asaga oo sida hoose Tweet-gareeyey.

Saaxiibada Jamaal Khashoggi iyo sirdoonka Turkigu waxa ay dhamaan inta daneysa iyo ehelada Jamaal u sheegeen in ay u diyaargaroobaan aaska Jamaal Khashoggi.

Kenneth Roth, Agaasimaha hay’adda Human Rights Watch, ayaa isna bartiisa Twitterka ku sheegay in 15 askari ay la xiriirinayaan dilka Jamaal Khashoggi, ayna markhaati ka yihiin duulimaadkooda, hoteelada iyo muuqaalada la soo bandhigay.

Hoos ka arag magacyada iyo masawirada 15ka askari ee Sacuudiga ee lala xiriirinayo dilka Jamaal Khashoggi.

  


Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Maydka Jamaal Khashoggi oo aan weli la hayn laakiin loo malaynayo in lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com