Maraykanka oo muwaadinintiisa uga digay inay u safraan Xududka kenya & Somaaliya

HomeWararka

Maraykanka oo muwaadinintiisa uga digay inay u safraan Xududka kenya & Somaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa Muwaadiniinteeda uga digtay in ay u Safraan dalka Kenya Sababo la xariira dhanka Ammaanka iyo sidoo kale Caafimaadka. War

Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Shariif Xasan Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sheegay in loo bahanyahay Kordhinta Ciidamadda AMISOM
Taliye Muxiidiin:” Amaankana waa lasugayaa aqlaaqna dadka waa lagula dhaqmayaa (dhegayso)

Dowladda Mareykanka ayaa Muwaadiniinteeda uga digtay in ay u Safraan dalka Kenya Sababo la xariira dhanka Ammaanka iyo sidoo kale Caafimaadka.

War kasoo baxay Safaaradda Nairobi ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhammaan Muwaadiniinta looga digayo sidoo kale in ay u safraan xadka Kenya iyo Soomaaliya,maadaama ay sheegeen in halkaasi Afduubka Al-Shabaab uu ku badan yahay.

Dowladda Mareykanka ayaa sababta ku sheegtay inay kordheen dambiyada abaabulan ee argagixisannimada, arrimaha caafimaadka, iyo afduubka.

Dowladda Maraykanka waxay tilmaamtay in Xarumaha Caafimaadka Ka Hortagga Cudurrada (CDC) ay ka deyiyeen xaaladda caafimaadka oo ay sabab u tahay markii Kenya qaaday xayiraadii lagu xakameynayay faafitaanka Covid19.

“Sababo la xiriira argagixisannimada awgeed, shaqaalaha dowladda Mareykanka ayaa laga mamnuucay inay u safraan gobollada xudduudda Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha qaarkood” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Kenya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: