Maraykanka oo markale jawaab ka bixiyey weerarkii Ceel-baraf

HomeWararka

Maraykanka oo markale jawaab ka bixiyey weerarkii Ceel-baraf

Dawladda Maraykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii 3-dii bishan May lagu qaaday xerada Ceel-baraf oo ay deganaayeen ciidamada Burundi ee tirsan

GARACAD: Maamulka dekadda Garacad oo ka hadlay Markab kusoo xirtay dekadda!
Maraakiibta sida sharcidarada uga kaluumaysta xeebaha Puntland oo xeelad cusub la soo baxay (daawo)
Waraysi xiiso leh & Guddoomiyaha Awdal Land State & kacdoon horleh oo ka dhan ah Somaliland

Dawladda Maraykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii 3-dii bishan May lagu qaaday xerada Ceel-baraf oo ay deganaayeen ciidamada Burundi ee tirsan hawl-galka Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tacsi u dirayo ciidanka dalka Burundi, isaga oo ka tacsiyadaynaya khasaarihii ka soo gaadhay weerarkii ka dhacay xerada Ceel-baraf ee ay geysteen ururka Al-Shabaab. Afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay ciidanka Burundi.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Burundi ay door geesinimo leh ka qaateen hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, muddo sannado ah.

Maraykanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu weli sii wado taageerada uu siiyo hawlgalka ATMIS iyo ka hortagga dhibaatada argagixisada.

Ugu yaraan 30 akari oo u dhashay Burundi ayaa lagu dilay, 20 kalena way ku dhaawacmeen weerarkii Al-Shabab ay ku qaadday saldhigga Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe, sida uu sheegay sarkaal u dhashay dalka Burundi.

Ururka Al-Shabaab ayaa iyagu waxay sheegteen inay dileen 173 u dhashay Burundi, sheegashadaa soo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: