Maraykanka oo Eedayn Kulul u Jeediyey Kuuriyada Waqooyi

HomeWararka

Maraykanka oo Eedayn Kulul u Jeediyey Kuuriyada Waqooyi

Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey Nikki Haley ayaa shirka deg degga ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka sheegtay in tijaabadaa

Laascaanood: Ciidamada Soomaaliland oo weerar ku qaaday Hotel Cusub oo magaalada laga furay
KALABAYR | Jiif Caaqil Cabdikariin Axmed Salebaan oo ka warbixiyey xaalada Barakacayaasha Laascanood
Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Gaaray Kenya

Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey Nikki Haley ayaa shirka deg degga ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka sheegtay in tijaabadaasi Woqooyiga Kuuriya ay tijaabisay hubka riddada dheer ee isaga kala goosha qaaradaha ay ka dhigan tahay daandaansi milatari.

Nikki Haley waxa ay sheegtay in arrintaasi ay muujineyso in dunidu ay qarka u saaran tahay colaad, waxayna intaasi ku dartay in qaraar cusub oo ka dhan ah xukuumadda Pyongyang la soo hordhigi doono Qaramada Midoobey.

Haley ayaa ku hanjabtay in Mareykanka uu xayiraado dhanka ganacsiga ah saari doono waddamada ganacsiga la leh Kuuriyada Woqooyi. Waxay sheegtay in haatan loo baahan yahay in dalkaasi laga qaado tallaabooyin dheeraad ah maadaama ay miro dhal noqon waayeen xayiraadihii caalamiga ahaa ee muddo saarnaa Kuuriyada Woqooyi.

Dhanka kale, dhiggeeda Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dalkiisu uu tallaabada Kuuriyada Woqooyi u arko mid aan loo dul qaadan karin basle waxa uu ku baaqay in xiisadda la dejiyo oo la wada hadlo.

Waxa uu ku celiyay baaqa horey ay wada jir u soo jeediyeen waddamada Shiinaha iyo Ruushka oo ahaa in Mareykanku uu ka laabto qorshahiisa uu ku doonayo in hannaanka difaaca gantaalada uu ku rakibo dalka Kuuriyada Koonfureed isla markaana uu hakiyo dhoolatuska milatari ee uu ka sameynayo meel u dhow Kuuriyada Woqooyi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: