Maraykanka iyo Kooxda Talibaan oo heshis kala saxiixday

HomeWararka

Maraykanka iyo Kooxda Talibaan oo heshis kala saxiixday

Ka dib 19 sano oo colaad ah, wakiilo ka kala socda Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa lagu wadaa iney maanta heshiis nabadeed ku kala saxiixdaan magaa

FARIIN MUHIIM AH (daawo)
Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
C/qaybdiid oo Garoowe kusoo bandhigay cutubyo ka mid ah dastuurka ee laga doodayo (dhegayso)

Ka dib 19 sano oo colaad ah, wakiilo ka kala socda Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa lagu wadaa iney maanta heshiis nabadeed ku kala saxiixdaan magaalada Doha ee dalka Qatar.

Xoghayaha Arrimaha Debedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa gaaray magaalada Doha isaga oo ka mid ah xubnaha goobjoogga ka noqon doona munaasabadda saxiixa heshiiskan loogu talogalay inuu fure u noqdo wadahadallo dhexmara kooxda Taliban iyo dowladda Afghanistan oo lagu dhameynayo colaadda dalkaasi.

Heshiiska ayaa sidoo kale yareynaya tirada 13-ka kun ee askari ee Mareykanka ka jooga Afghanistan, tiradaas oo laga dhigi doono 8,600 oo askari.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Taliban iyo xukuumadda Afghanistan iney fursaddan ka faaiideystaan, isaga oo xusay in haddii laga dhabeeyo ka mira dhalinta waxa lagu heshiiyey ay taasi horseedi doonto soo afjarista colaadda Afghanistan iyo in ciidanka Mareykanku ay dalkooda ku soo laabtaan.

Madaxweynihii hore ee Afghanistan Hamid Karzai ayaa u sheegay laanta Afghanistan ee Idaacadda VOA inuu ku faraxsan yahay saxiixa heshiiska nabadeed ee maanta waxaana uu xusay inuu ku raja weyn yahay in wadahadallada kooxaha Afghanistan ay si dhaqsa ah u bilowdaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: