HomeUncategorized

MAP oo ka soo horjeesatay Sharci ay ka soo Shaqeysay NUSOJ

Khamiis, December 31, 2015-(Daljir)-Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa ka horyimi xeerka warbaahinta Soomaaliya oo dhawaan ay ansixiyeen Baarlamaanka Dowladda Fadaraalku.

Xukuumadda Puntland oo digniin u dirtay maamulka Soomaaliland.
DHAGAYSO:Magaalada Bosaaso oo Roobsatay
(Dhagayso) Dagaal geestay qasaare dhimasho ayaa dhaawacyo aya maanta ka dhacay Magaalada Caabudwaaq.

Khamiis, December 31, 2015-(Daljir)-Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa ka horyimi xeerka warbaahinta Soomaaliya oo dhawaan ay ansixiyeen Baarlamaanka Dowladda Fadaraalku.

Gudoomiyaha ururuka Saxafiyiinta Puntland ee MAP Faysal Khaliif Bare oo la hadlay Warbaahinta Puntland ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan xeerka,isagoo tilmaamay in waxyaabaha ay kaga soo horjeedaan uu yahay in xeerku uu caqabad ku  yahay wariyayaasha Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in xeerku uu yahay mid usamaysan mid dowladdu ku doonayso in ay ku aamusiso wariyayaaasha, islamarkaana ay sahlanaanayso markay dowladdu rabto inay dacwad ku oogto wariyaaysha inuu usahlayo inay si fudud ugu oogto.

Faysal ayaa tilmaamay hadii xeerku hirgalo in dhalinyaro badan aysan noqonayn wariyayaal,isagoo sheegay inuu xeerku usan ogalaanayn.

Barre ayaa sheegay in xeerku uu dhigayo in maxkamdu ay wariyayaasha waydiin karto cida siisay xoriyada,wuxuuna carabaabay intaas ay yaraynayso ilo wareedyada.

Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey xeerka ayuu sheegay inay u madax banaan yihiin figradooda, balse qodobada qaarkood ayuu tilmaamay inay yihiin kuwa kusoo noqonaya iyaga,isagoo xusay inay umuuqdaan urur gacan saar la leh dowladda.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: