Mahdi Guuleed oo noqday Xildhibaankii u horreeyay ee Golaha Shacabka

Mahdi Guuleed oo  noqday  Xildhibaankii  u horreeyay ee Golaha Shacabka

Xerada Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka dhacday doorashada kursigii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka, kaas oo degaan doorashadiisu tahay Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Somaliland.

Kurisgii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartamay Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar & Mushtaaq Ibraahim Yuusuf, waxaana 97 cod ku guuleystay Mahdi Guuleed halka Mushtaaq Ibraahim Yuusuf ay heshay Saddex Cod.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa waxaa uu noqday loona diiwaangeliyay Xildhibaankii koowaad ee Golaha Shacabka Maanta loo doorto.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com