Magacyadda Wariyaal  ka tirsan kooxda Alshabaab oo la shaaciyeey

HomeWararka

Magacyadda Wariyaal ka tirsan kooxda Alshabaab oo la shaaciyeey

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa soo bandhigtey magacyada qaar ka mid ah weriyaal ka howlgalayay idaacada ku hadasha codkaururka Al-Shabaa

Iran oo Xukun Daldalaad ah ku fulisay Muwaadin haysta Dhalashada Britishka
Asadnaa Suudi: Ha ku Daalin Dhaliisha Dowlada, Balse ku Dadaal Ficil ahaan waxaad Dalkaaga ku Biirin Laheyd
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa soo bandhigtey magacyada qaar ka mid ah weriyaal ka howlgalayay idaacada ku hadasha codkaururka Al-Shabaab oo lagu diley weerar duqeyn ah.

Weriyaasha ka tirsanaa ururka Al-Shabaab ee duqeyntan lagu diley ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Feysal Yare, Maxamed Aadan Nasrudiin, Cabdikariim Seyfulah iyo Xasan Cabdiraxmaan.

Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubada Dhexe ayaa lagu burburiyey Xaruntii Idaacadda Maleeshiyaadka Al Shabaab taas oo ku taalay Degmada Jilib.

Diyaaradaha Mareykanka oo kaashanaya Malatariga Soomaaliya ayaa kordhay duqeymaha ay la beegsanayaan Saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin qaar ka mid ah Gobalada dalka.

Hase yeeshee duqeyn shalay laga fuliyey duleedka magaalada Kismaayo ayaa dowlada Maraykanka ku sheegatay inay ku dishey in kabadan konton kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: