Muwaadin Somaliyeed iyo tiro dad la tuhuunsanyahay oo la xiray

Muwaadin Somaliyeed  iyo tiro dad la tuhuunsanyahay oo la xiray

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Koox ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ee baaritaanka ku haya Weerarkii Hotelka Dusit D2 ay ballaariyaan Baaritaankooda, kadib, markii ay Boliska Degmadda Kituya ee W/bari ee dalkaasi sheegeen inay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo isugu jiray somali iyo Kenyan oo ku sugnaa 2 Hotel oo ku yaalla Degmadaasi.

Wargeysku waxa uu qoray in mid ka mid ah dadka la qabtay uu ka mid yahay Muwaadin Somali haysta Baasaboorka dalka Britain, waxaana Ninkaasi magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Xasan oo 47-jir ah.

Taliyaha Boliska Degmadda Kituya, Antooni Kamiyu waxa u u sheegay inay Ninkaasi ku soo qabteen Hawlgal ay shalay subax ka fuliyeen Hotellka lagu magacaabo Parkside Villa Hotel oo ku yaalla Degmadaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Taliyahaasi waxa uu magacyadda saddex kale ee ay hawlgalkaasi ku qabteen ku kala sheegay Muuse C/qaadir oo 25-jir ah, Axmed Idris Maxamed oo 24-jir ah iyo Maxamed Cabdi Cali oo 25-jir ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com