Iran oo Xukun Daldalaad ah ku fulisay Muwaadin haysta Dhalashada Britishka

HomeWararka

Iran oo Xukun Daldalaad ah ku fulisay Muwaadin haysta Dhalashada Britishka

Golaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran Iran maanta oo Sabti ah sheegeen in la daldalay Alireza Akbari oo haystay Labada Dhalasho ee Brit

Caawa & Daljir iyo Jaamac Cabdiraxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Jaamac Cabdiraxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika

Golaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran Iran maanta oo Sabti ah sheegeen in la daldalay Alireza Akbari oo haystay Labada Dhalasho ee British iyo Iran (A British-Iranian dual citizenship).
Warbaahinta Hay’adda Garsoorka Iran ee MIZAN Online ayaa shaacisay in Alireza Akbari la daldalay, kadib, markii la raacay dhamaan Nidaamka sharciga, lana xaqiijiyey Xukunkii ay gaartay Maxkamadda Sare ee Iran.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK, James Cleverley waxa uu Jimcihii shalay ugu baaqay Dowladda Iran inaysan Alireza Akbari ku fulinin Xukunka Dilk, iyadoo Dowladda Britain sheegtay in la siyaasadeeyey arrintaasi.

Marxuumka la daldalay oo horey u ahaa Wasiir-ku-xigeenka Difaaca ee Iran waxaa lagu soo oogay inuu Basaas u ahaa Hay’adda MI6 ee Sirdoonka Dibedda ee dalka UK (The UK’s foreign Intelligence Agency).
Dowladda Iran waxay ku eedeysay Hay’adda MI6 inay ku lug lahayd falkii lagu khaarijiyey Madixii Saynis-yahanada Nukliyeerka Iran, Muxsin Fakhruzadeh.

Warbaahinta Dowladda Iran waxay Khamiistii hore baahisay Muuqaal Video oo ay sheegeen inay muujinayso doorkii uu Alireza Akbari ku lahaa dilkii Caalimkii Nukliyeerka dalkaasi, Muxsin Dakhrizadeh ee sanadkii 2020-dii lagu dilay Weerar ka dhacay duleedka Caasimadda dalkaasi ee Tehran.
Dowladda Iran waxay horey ugu eedeysay Israel inay ka dambeeyeen dilkaasi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: