Hay’adda NISA oo Muqdisho ku qabatay hub farabadan

Hay’adda NISA oo Muqdisho ku qabatay hub farabadan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degmada Dharkenlay ee magaalada Muqdisho waxay ku soo qabteen Haweenay Gurigeeda uu ku keydsanaa Hub iyo waxyaabaha Qarxa.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalin ka hor uga dhawaaqay Muqdisho, kaas oo ahaa in Xubnaha Al-Shabaab ee Bulshada ku dhexjira deg deg looga soo dhex saaro.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in haatan uu socdo baaritaan lagu haayo Haweenaydaan iyo hubka lagu soo qabtay, isla markaana loo gudbin doono Maxkamad.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com