Madaxweynihii hore Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo Maanta Garoowe ku soo wajahan

Madaxweynihii hore Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo Maanta Garoowe ku soo wajahan

Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa maanta ku soo wajahan Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas,kaas oo kamid ah madasha Xisbiyadda Qaran ee dhawan ku kulmay Magaaladda Istaanbuul ee dalka Turkiga.

Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa la filaya Barqanimadda maanta ah inay ka soo dagaan garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir,waxaana soo dhaweynta Madaxweynihii hore ka qayb galaya masuuliyin kala duwan iyo ururarada bulshada rayidka ah.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka maqnaa degaanada Puntland 13 bilood ee lasoo dhaafay, waxaana uu hadda qeyb ka noqon doonaa abaabulka ay bilaabeen madasha Xisbiyadda Qaran ee uu qeybta ka yahay.

Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay inay isku raaceen inay ku midoobaan hal xisbi siyaasadeed iyo hal Musharax

Go’aankan ayaa waxaa lagu shaaciyey qoraal ay Madasha kasoo saareen shir socday shan maalmood oo xubnaha ay ku yeesheen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com