Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabawe Robert Mugabe oo geeriyooday

HomeWararka

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabawe Robert Mugabe oo geeriyooday

Waxaa geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabawe Robert Mugabe, kadib xanuun muddo badan haayay,sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa o

Puntlnad oo ka hadashay mowqifkeeda shirka dhuusamareeb (Akhriso)
Somaliland oo shaacisay kisaas cusub oo COVID-19 ah
Farmaajo oo Diyaarad Rakaab ka Raacay Muqdisho

Waxaa geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabawe Robert Mugabe, kadib xanuun muddo badan haayay,sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka.

Mr Mugabe ayaa in ka badan 30 Sanno Madaxweyne ka ahaa dalka Zimbabawe,waxaana xilka looga qaaday afgembi militari bishii November ee sannadkii 2017-kii, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano.

Robert Mugabe wuxuu ahaa 95 sano jir Wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabawe loo garanayay Rhodesia,waxaana uu xabsi ku jiray in ka badan 10 sano ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii.

Sannadkii 1973, isagoo xabsi ku jira ayaa loo doortay madaxweynaha xisbiga Zanu ee Zimbabawe kaas oo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: