Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo xalay kormeeray degmooyinka gobalka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay howla kormeer ah ku sameeyay degmooyinka Shibis, Boondhere, Shangaani iyo Kaaraan.

Kormeerka ayaa ujeedkiisu ahaa mid uu duqa magaalada Muqdisho ugu kuur galayay sida ay maamulada degmooyinka iyo saraakiisha amniga ee saldhigyada ay habeen ula falgalaan howlaha amniga Caasimadda.

Kormeerkaan uu guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ku sameeyay degmooyinka waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com