Madaxweynha Puntland Ayaa Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi

HomeWararka

Madaxweynha Puntland Ayaa Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 15 December 2018 waxaa uu Qasriga Madaxtooyada Dowladda

Dowladda oo ka hadashay diyaaradii ku burburtay Itoobiya
Madaxweynaha Puntland oo Sagootiyey Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed (dhegayso+ Sawiro
Shir-sanadeedka Barashada Nabadda ayaa ka furmay magaalada Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 15 December 2018 waxaa uu Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabiley Beeldaajiyaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi iyo wafti balaadhan oo uu hogoaaminayey.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo ka koobnaa qaarkamida isimada dhanqanka ayaa shalay galinkii danbe soo gaaray Caasumada Dowladda Puntland ee Garoowe, isla’markaana safarkiisa ayaa daarnaa kaqayb noqoshada doorshada madaxtinimada Dowladda Puntland ee 2019

Dhinca kale a Beeldaajaha ayaa ka mahdnaqay qaabilaada wanaagsan ee loo sameeyey iyo sida maamuska leh ee uu madaxweynuhu ugu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, isga iyo waftiga baalaadhan ee uu hogaaminayo.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan gaara la qabatay Beeldaajaha, kulankaas oo ahaa mid is xogwaraysi, islamrkaana madaxweynaha Dawladda Puntland uu ku dhiiri gelinayey taabagelinta nabadaynta beelaha, xoojinta dhaqanka iyo sidii loo dhowri lahaa dhaqanka bulshooyinka Puntlnad.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: