Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah kujooga dalka Masar ayaa la filayaa in uu halkaasi ka bilaabo la kulanka Madaxda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qorsheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wada qabsiga dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muhiim ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa mugdi uu kujiray xiriirka dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda Masar, kuwaas oo wax wadashaqeyn ah dhexmarin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com