Laamaha Amniga oo gacanta kudhigay Ciyaal weero & Qalab ay dadka ku dhibaateen jireen

Laamaha Amniga oo gacanta kudhigay Ciyaal weero & Qalab ay dadka ku dhibaateen jireen

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay kusoo bateen falalka Amni darro.

Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamadu kusoo qabteen Ciyaal weero aad u farabadan iyo qalab ay dadka ku dhibaateyn jireen, kuwaas oo dhibaato weyn ay ku qabeen Shacabka degmada Kaaraan.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay gacanta kudhigeen 74 dhalinyaro ciyaal weero ah iyo in ka badan 50 Mindiyo casri ah oo horay dalka aan loogu arag, kuwaas oo dadka lagu dili jiray qaarkoodna lagu dhici jiray.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada Amniga ay layaab ku noqotay in dad Warbaahinta ka sheegi jiray inay heysato Amni darro Gurigooda laga helay waxyaabo liddi ku ah Amniga, isla markaana Guryo badan laga soo saaray Tuutaha Ciidamada, iyada oo aysan askar deganeyn.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed inay carruurtooda ceshadaan, sidoo kalena dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga sameyn doono si joogto ah howlgallada.

Tan iyo markii Ciidamada Booliska Soomaaliya ay Muqdisho ka bilaabeen howlgallada ayaa waxaa yaraaday dhibaatada Ciyaal weerada iyo Kooxaha Burcadda ah ee dadka dhici jiray, kuwaas oo dadka Muqdisho ay aad uga cabanayeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com