MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMMO KU SAABSAN DIB U HESHIISIINTA KOONFUR-GALBEED LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA

HomeWararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMMO KU SAABSAN DIB U HESHIISIINTA KOONFUR-GALBEED LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud oo kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhaba odayaasha dhaqanka Koon

Taliska Booliska Soomaaliya oo amar soo saaray
Madaxweynaha maraykanka oo ilhaan cumar ugu baaqay inay iscasiho
Madaxwayne Farmaajo oo kulan dhiiri gelin ah la yeeshay dhalinyaro ku biirtay hogaanka ciidamada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud oo kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhaba odayaasha dhaqanka Koonfur-galbeed ayaa ka dalbaday in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen horumarka iyo wax wada qabsiga.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa la wadaagay talooyinkooda ku saabsan hannaanka dib u heshiisiinta, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, xasilinta iyo horumarinta deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinkii lixaad ku sugan magaalada Baydhaba ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalkiisa Baydhabo.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur-galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: