Madaxweynaha maraykanka oo ilhaan cumar ugu baaqay inay iscasiho

HomeWararka

Madaxweynaha maraykanka oo ilhaan cumar ugu baaqay inay iscasiho

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ilhan Cumar oo ka mid ah xisbiga Dimuqraadiga kana mid ah Aqalka Senatk

Gabar dhalinyaro ah oo Maanso ka tirisay dadka lixaadkooda u dhamayn (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (dhegayso)
Guddoomiyaha Bareedo oo ka hadlay Ayax dhibaato ku haya degaanka (dhegayso)

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ilhan Cumar oo ka mid ah xisbiga Dimuqraadiga kana mid ah Aqalka Senatka ay is casisho sababo la xiriira ereyo Yuhuud naceyb ah oo ay ku qortay boggeeda Twitterka.

“Yuhuud Naceybku meelna kuma laha Congresska dalka Maraykanka.”ayuu yiri Madaxweyne Trump oo isaga laftiisa hore loogu eedeeyay hadalo qadaf ku ah isirka iyo dadka laga tirada badan yahay.

“Waa inay iska casishaa Kongresska amaba hubaal guddiga arrimaha dibada oo ay xubinta ka tahay.”ayuu yiri Trump oo kutilmaamay cudurdaarka ay ka bixisay hadaladeeda Ilhan Cumar in uu yahay mid daciif ah.

“Waxa ay sheegtay waxa uu kaga yaalaa gunta hoose ee qalbigeeda,cudurdaarkeedana waa mid daciif ah oo aysan daacad ka ahayn.”ayuu sii raaciyay Donald Trump.

Ilhan Cumar oo ah gabar asalkeedu Soomaali yahay kana mid ah xubina ka ah Congresska dalka Maraykanka ayaa eedeyn kala kulantay xisbiga Dimuqraadiga iyo Jamhuurigaba kadib markii ay sheegtay in ururka Aipac oo ah guddi u qaabilsan arrimaha Yuhuuda Maraykanka ee ay uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: