Ciidanka jubbaland oo howlgal sameyeey hubna ku soo qabtay

Wararka ka imanaya gobolada Jubbooyinka ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo ciidamada xoogga dalka ee Dowlada Federalka ay ku guuleystay inay ka soo saaraan miinooyin faro badan wadooyinka taga degmada Jamaame oo ay gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalo ay sameeyeen waxa ay soo saareen miinooyin tiradoodu ay ku dhow dahay ilaa labaatan kuwaasoo la geliyay wadooyinka.

Howlgalada ka saarista miinooyinka wadooyinka ayaa u ah bilow weeraro ay qorsheynayaan maamulka Jubbaland in ay ku qaadaan deegaanada ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa farsamooyinka ay kula dagaalamaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM waxaa kamid ah iyadoo miinooyin la geliyo wadooyinka laguna qarxiyo gaadiidka maraya wadooyinka.

Dhowaan ayaa miino la geliyay wadada waxaa lagu diley illaa siddeed askari oo ka tirsan ciidamada Jubbaland kuwaasoo ku sii jeeday magaalada Kismaayo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com