Madaxwayne Farmaajo oo kulan dhiiri gelin ah la yeeshay dhalinyaro ku biirtay hogaanka ciidamada

Madaxwayne Farmaajo oo kulan dhiiri gelin ah la yeeshay dhalinyaro ku biirtay hogaanka ciidamada

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta xarunta wasaaradda gaashaandhiga kula kulmay saraakiil dhalinyaro ah oo dhowaan ku biirtay ciidamada xooga dalka, tabarana kusoo qaatay dalka dibadiisa.

Madaxwaynaha ayaa dhalinyarada kala hadlay dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab iyo dhiirigalinta ciidamada kalle duwan ee dowladda.

Waxaa uu sheegay Soomaaliya inay soo martay darruufo kalle gedisan loogana baahanyahay inay dhalinyarada kaalintooda ka qaataan xasilinta dalka.

Dowladda faderaalka ayaa dhowaan ruqsaysay odayaal hayay hogaanka sare ee ciidamada, waxaana lagu badalay dhalinyaro aqoonyahano ah oo dalka dibadiisa tababaro ciidan kusoo qaatay, si’ay qayb uga noqdaan xasilinta dalka.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com