Madaxweyne Xaaf oo ku dhawaaqay inuu dib ula soo noqday Mas’uuliyaddiisa Galmudug

HomeWararka

Madaxweyne Xaaf oo ku dhawaaqay inuu dib ula soo noqday Mas’uuliyaddiisa Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay inuu dib ula soo noqday wakaalashadii Maamulka Galmudug ee uu bishii July u dhiibtau

DFS oo ku dhawaaqday inay fasaxday duulimaadyadii Kismaayo (Daawo)
Madaxweynaha Sudan oo cabsi soo wajahday
Dowladda oo kasoo horjeesatay War kasoo yeeray Mareykanka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay inuu dib ula soo noqday wakaalashadii Maamulka Galmudug ee uu bishii July u dhiibtau Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka, si ay u daadihiso geeddi socodka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug.

War saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku sheegay in dowladda Federaalka ay muddo 3 bilood natiijo la’aan la taaban karo ka sameyn weyday doorashooyinka.

Xaaf ayaa caddeeyay inuu si degdeg ah u soo magacaabi doono Guddiyo kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha doorashooyinka, dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka Galmudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: