Madaxweynaha Sudan oo cabsi soo wajahday

Madaxweynaha Sudan oo cabsi soo wajahday

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa qarka u saaran inuu maro wadadii xilka looga tuuray Madaxdii Carbeed, kaddib Kacdoonkii loogu magac daray Guga Carabta oo sababay in xukunka laga rido Madaxdii dalal ka tirsan Carabta ee mudada 20-ka sano xukumayay.

Kacdoonkii Gugii Carbeed ayaa bilowday sanadkii 2010, waxaana xilka looga tuuray Madaxweynayaashii dalalka Masar, Libiya, Tunisia iyo Yemen, kuwaasoo in muddo ah xukunka hayay, waxaana ay sababeen dagaalo sokeeye

Banaan baxyada ka socda dalka Sudan ayaa u muuqda kuwo sii xoogeysanaya, iyadoo dadka banaan baxaya ay bilaabeen inay ku dhawaaqaan halku dhigyo kala duwan oo looga dalbanayo Madaxweyne Al-Bashiir inuu is casilo.

Cumar Al-Bashiir ayaa sheegay in la doonayo in dalkiisa rabshado iyo qalalaase looga abuuro, isla markaana la isku dayayo in si la mid ah dhaq dhaqaaqyadii kacdoonka Guga Carabta oo kale in laga sameeyo dalkiisa.

Al-Bashiir ayaa booqasho ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar, waana booqashadii labaad oo uu dal shisheeye ku tago, tan iyo markii banaan baxyada ka bilowdeen dalkiisa.

Banaan baxyada Sudan ayaa markii hore looga soo horjeeday maciishadda sare u kacday, balse waxa ay isku bedeshay kacdoon looga soo horjeedo xukunka dheeraaday ee Madaxweyne Al-Bashiir.

Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo 75 jir ah ayaa xukunka dalka ku qabsaday Afgambi, waxaa uu sanadkii 1989 hoggaaminayay kooxdii afgambiga ku qabsatay dalkaas ee xukunka ka tuuray Ra’iisul Wasaarihii sida dimoqraadiga loo soo doortay Sadiq Al-Mahdi.

Al-Bashiir ayaa saddex jeer loo doortay xilka Madaxweynaha dalka Sudan, waxaa sanadkii 2009 Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada ICC ku soo oogtay eedeymo ka dhan ah bani’aadanimada, isagoo noqday madaxweynihii u horeeyay ee Maxkamadda ICC ay dacwad ku soo oogto.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com