Madaxweyne Trump oo waji gabax kala kulmay Maxkamadda sare ee Mareykanka

Madaxweyne Trump oo waji gabax kala kulmay Maxkamadda sare ee Mareykanka

Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa diiday dacwad uu gudbiyay Gobolka Texas, kaasoo la doonayay in lagu laalo codbixintii ka dhacday illaa afar Gobol oo uu ku guuleystay Joe Binde.

Gobolada ayaa kala ahaa Georgia, Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin, waxaana dacwada gudbiyay Gobolka Texas, kaddib markii 100 mudane ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada ay taageereen.

Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa sheegtay in Gobolka Texas aanu awood sharci u laheyn inuu dacwad ka keeno afarta hobol ee kala ah Georgia, Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin.

Arrintan ayaa waji gabax ku noqotay Donald Trump oo muddooyinkii u dambeeyay ku doodayay inuu dacwado ka dhan ah natiijadii cod bixinta doorashada uu ku guuleystay Madaxweynaha la doortay Joe Biden.

Diwaanka wararka
Warbaahinta

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com