Madaxweyne Mustafe Cagjar oo labbis Oromo uga qaybgaley maalinka xuska qowmiyadaha Itoobiya

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo labbis Oromo uga qaybgaley maalinka xuska qowmiyadaha Itoobiya

Xuska maalinta qowmiyadaha shucuubaha Itoobiya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka. Xuska waxaa ka soo qaybgalay dhamm

Gudhka biyoxidheenka Jigjiga iyo booqashada madaxda DDS
Xarigjarka Mashruuca biyo-xireenka Tuulada Qabaalley ee DDS (Warbixin)
DAGAAL UDHAXEEYA CANFARTA IYO SOMAALIDA AYAA KA SOO CUSBONAADAY GALBEEDKA GOBOLKA SITTI EE DDS

Xuska maalinta qowmiyadaha shucuubaha Itoobiya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka.

Xuska waxaa ka soo qaybgalay dhammaan Madaxweynayaasha kililada Itoobiya ayada oo kilil walba uu soo bandhigay labbiska iyo ciyaar dhaqameedka qowmiyadda. Laakiin Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa xuska ka soo qaybgalay asaga oo ku labisan dhar dhaqameedka iyo calanka qowmiyada Oromoda.

Waa markii ugu horreysay taariikhda xuska qowmiyadaha oo madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida laga waayo astaamaha dhaqanka Soomaalida.

Shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa maanta hadal-haynta uga badani waxa ay ahayd waxa sababay in Madaxweyne Mustafe Cagjar uu dhaqanka iyo astaamaha Soomaalida ka doorto kan Oromada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: