Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Warsaxafadeed kasoo saaray xaaladda Lascanood

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Warsaxafadeed kasoo saaray xaaladda Lascanood

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland iyo masuuliyiinta labada Golle ee Dawladda Puntland ku matala Gobolladda Sool iyo Cayn ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray arinta magaalada Laascano.
” Kulan is-xogwaraysi ah oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta ka soo jeeda gobolada SSC ee Puntland waxaa kasoo baxay qodo badan.

1. Waxaanu marka hore tacsi tiiraanyo leh u diraynaa guud ahaan dadkii ku geeriyooday magaalada laascaanood ee gobolka sool, gaar ahaan marxuumkii dilkiisu kacdoonka sababay ee Cabdifataax Cabdullaahi Sangub iyo dadkii shacabka ahaa ee mudaharaadka lagu laayey ilaa iyo hadana layntoodu socoto.

2. Sidoo kale waxaanu bogaadinaynaa dhalinyarada gobolka ee gartay kana dhiidhiyey xasuuqa ba’an ee lagu hayo bulshadooda isla markaasna garawsaday inaysan u shaqayn kana sii tirsanaan nidaamka Soomaaliland, anaga oo ugu baaqayna inta ku hadhayna inay ka gilgishaan dhiiga shacabkooda ee sida ku talagalka ah loo daadinayo.

3. Hadii aanu nahay mas’uuliyiinta ka soo jeeda goboladaas waxanu bulshadayada u cadaynaynaa in aanu Naf iyo Maalba u hurayno sidii looga kor qaadi lahaa nidaamka caadaystay gumaadka shacabkeena sidaas darteed waxaanu si buuxda usoo dhoweynaynaa una garab taaganahay kacdoonka bulsha-waynta gobolka Sool gaar ahaan degmada laascaanood ay kaga soo horjeedaan dilalka,

cabudhinta, iyo doonista xoog ku haysashada, waxaanu ugu baaqaynaa deeganada kale ee sool sanaag iyo cayn inay ka qayb qaataan kacdoonkaas, sidoo kale waa in laga hortago wax kasta oo muujinaya jiritaanka iyo kamid ahaan shaha sheegashada Maamulkooda sida diiwaangelinta IWM.

4. Waxanu ugu baaqaynaa Beesha-caalamka iyo Ururada gobolkaba inaysan indhaha ka qarsan Xasuuqa ba’an iyo Cabudhinta joogtada ah ee lagu hayo in mudo ah bulshada deegaanadaas, Anaga oo ka xun in Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madasha wadatashiga qaranka oo shirkoodu ka socaday Muqdisho ay iska indha tireen guud ahaan xaalada deegaanadaas oo iyagu ah kuwo markasta utaagan midnimada iyo wadajirka umada soomaaliyeed taas oo kaliftay dhibta joogtada ah ee lagu hayo.”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com