Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kormeerey Dekadda & Airporka Bosaaso

HomeWararka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kormeerey Dekadda & Airporka Bosaaso

Boosaaso: May, 4, 2022: Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray

Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDIGA DHAQAALAHA QARANKA.
Warka Arooryo iyo Jaamac cRaxmaan Faandhe, Daljir Garoowe (dhegayso)

Boosaaso: May, 4, 2022: Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray Dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay qaybaha kala duwan Dekadda Boosaaso, waxaana uu warbixino ka dhagaystay Wasiirka Dekadaha Dowladda Puntland iyo Sarkiisha Dekadda Boosaaso.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Karaash ayaa kormeeray garoonka diyaaraha ee Boosaaso, waxaana uu soo indha-indheeyay qaybaha cusub ee lagu kordhinayosida garoonka, dhabaha diyaaraduhu ka haadaan, qaybta Hangarka iyo dhammaan xafiisyada shaqada, halkaas oo uu warbixino ka dhagaystay Maamulka garoonka iyo shaqaalaha.

Kusima Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta iyo shaqaalaha goobaha uu kormeeray, waxaana uu ku booriyey inay dar-dar galiyaan shaqada, maadaama ay bulshada shaqo muhiim ah u hayaan.

Kormeerka Kusimaha Madaxweynaha, waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaarada Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo ka hortagga Dambiyada ka dhaca Badaha Puntland, Wasiiru dowlaha Dekadaha, Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Taliyaha qaybta gobolka Bari,  Taliyaha Madaxtooyada Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: