GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDIGA DHAQAALAHA QARANKA.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDIGA DHAQAALAHA QARANKA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Guddiga dhaqaalaha Qaranka oo uu hogaaminayey guddoomiyaha gudigga Dr. Cali Ciise.

Mas’uuliyiinta ka socotay Guddiga Dhaqaalaha ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka ka codsadey dhamaystirka sharciga muhiimka u ah dardar-gelinta iyo kor u qaadida dhaqaalaha dalka gaar ahaan sharciga midaynta maaliyadda dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo amaanay kaalinta muhiimka ah ee Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ay ku leeyihiin dhaqaalaha dalka ayaa ku dhiira geliyey madaxdooda sii xoojinta dedaalada lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com