Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka tacsiyadeyey geerida Wasiirki degaanka Puntland

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka tacsiyadeyey geerida Wasiirki degaanka Puntland

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlada Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa uga tacsiyeeyey guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday wasiirkii wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland Marxuum Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

“Waxaan uga tacsiyaynayaa guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan qoyskii iyo iyo eheladii uu ka geeriday Marxuum Ismaaciil Diiriye Gama’diid Wasiirkii Deegaanka iyo isbedelka Cimilada”.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa illaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

“Waxaan illaahay uga baryayaa inuu dembigiisii dhaafo janatul firdowsana ka waraabiyo dadkiisa iyo dalkiisa uu u shaqaynayayna samir iyo iimaan ka siiyo”.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com