HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Safaaradda Talyaaniga ee Nairobi Arimo badan kala Hadlay

Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambasador Fabrizio Marcelli .

Soddomeeyo dhallinyaro ah oo maalintii labaad tababar uga socdo Garowe.
R/wasaare Gaas oo la kulmay Issimada Sool, Sanaag & Cayn.
(DHAGEYSO) Barnaamijka Saaka & Dunida (Xarunta Boosaso)

Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambasador Fabrizio Marcelli .

Kullanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, mashaariicyada horumarineed ee Talyaanigu ka fulinayo gudaha Puntland iyo mashaariic horleh oo Dawladda Talyaanigu ku rajo weyn tahay inay ka hirgeliso Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa safiirka sharaxaad dheer ka siiyey halka uu marayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo heer gebo gebo ah maraya .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale Dawladda Talyaaniga ka codsday in qeybaha kala duwan ee ciidanka Puntland siiso tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda, si ay ulaba jibaaran howsha amaan ee ay kawadaan Puntland.

Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambasador Fabrizio Marcelli ayaa isna dhankiisa sheegay in mar walba ay Dawladda Talyaaniga ka go’antahay sii wadida mashaariicda horumarineed ee ay kawadaan Puntland .

 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: