Soddomeeyo dhallinyaro ah oo maalintii labaad tababar uga socdo Garowe.

Garowe, June 05 -Wasiirku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha Puntland, mudane Yuusuf Cali Siciid oo la hadlayay in kabadan 30 kamid ah ?dhalinyaradda gobolada Puntland oo maalintii 2-aad tababar uga socdo ?Garowe ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin dhallinayarada reer Puntland ee dhulkooda ka tahriibaya, kuwaas? dhibaatooyin ku hasytaan waddamada ay tahriibka ku marayaan.

Wasiir ku xigeenka ayaa ugu baaqay? dhallinyarada inay hankooda badalaan oo ay u soo jeestaan sidii ay u hormarinlahaayeen dalkooda,? ?isuna ?xilqaamaan sidii bulshadda wax loogu qaban lahaa,

Wuxuu sheegay wasiirku inaanay jirin wax ka fiican dhalinyaraddu inay iimaansadaan ?dhulkooda oo ay wax u bartaan si looga gudbo jahliga keenaya in qofku uu naftiisa biimeeyo.

Walaaca wasaaradda dhalinyaradu ka qabto tahriibka dhalinyarada wuxuu imaanayaa xilli waqtiyadaan dambe si xowli ah gobolada Puntland looga dareemayo dhallinyaradda tahriibka ku aadaya ?dhulka saxaraha? Liibiya oo waqtigaan ?lagu haysto dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo rag iyo Dumar isuhgu jira.

Qaar kamid ah dhallinyaradaas oo labo maalin ka hor la hadlayay warbaahinta Daljir ayaa ?sheegay inay ku jiraan xaalad nolol xumo tii ugu darneed halka dumarkana? qaarkood kufsi loo geystay.

Dadka afduubka u haysta ayay sheegeen inay ula dhaqmayaan qaab ka baxsan naxariista iyaga oo marar qaar loo geysto? jirdil xoogleh si waalidkoodu uu lacag badan usoo shubo.? Dhalinyaradas ayaa sheegay ayaa ?maalintii labo kiilo oo baasto/ ama bariis ah? inay ku cunaan inkabadan 40 qof oo kamid ah dadka afduubka loo haysto.

?Xilligaan oo Puntland ay ku furantahay daloolo badan oo xaga siyaasada ah ayaad moodaa inay aad u yar tahay kaalinteedii horumarineed ee dhalinyarada si loogu abuuro ?xirfadooyin dhalinyarada ku jihaynaya inay dhulkooda ku negaadaan.

Sii socoshada Shaqo la?aanta baahsan ee haysta dhallinta reer Puntland iyo kawarqab la?aanta xaga maamulka ayaa mustaqbalka dhow sababi karta inay dalkooda ?ka haajiraan oo ay manfac u raadsadaan hadba meeshii

Diiwaanka Wararka

Iidle Macallin

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com