HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Maanta kormeeray xarunta wasaaradda Maaliyadda ee Bosaaso

Isniin, May 25, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25-5-2015 kormeer shaqo ku tagey xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland ee magaalada Boosaso ,xarunta maamulka Gobolka Bari iyo xarunta maamulka degmada Boosaaso

Aaska Qunsulkii hore ee Somalia u joogey Kenya oo maanta ka dhacay Nairobi.
M/Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo kulan la qaatay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya
DHEGEYSO-Khudbadihii laga jeediyey aaskii loo sameeyey madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse.
 
Isniin, May 25, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25-5-2015 kormeer shaqo ku tagey  xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland ee magaalada Boosaso ,xarunta maamulka Gobolka Bari iyo xarunta maamulka degmada Boosaaso
.
 Kormeerka shaqo ee madaxweyne Gaas oo saldhig u ah u kuur gelida habsami u socodka shaqo ee xarumaha dawladd ayuu  ku kala bixiyey xarumahaas, waxaana uu si aad ah ugu bogay habka ay shaqadu u socoto iyo sida ay uga go\’antahay howlwadeenada uu la kulmay wadida shaqada ay u hayaan shacabkooda .
 
 Madaxweyne Gaas ayaa dhammaan xarumaha uu booqday indha indheeyey , waxaana uu madaxda iyo shaqaalahaba ku dhiirigeliyey dardar gelinta shaqooyinka ay hayaan, isagoona u sheegay in qofkasta lagula xisaabtamayo howsha loo idmaday loogana baahan yahay firfircooni dheeri ah .
 
 Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu soo gebagebeeyey kormeerka shaqo waxaa uu saxaafadda kula hadlay aqalka madaxtooyada dawladda Puntland ee Boosaaso, waxana uu sheegay in kormeerkii uu maanta sameeyey uu ugu soo dhammaaday guul warbixino la xiriira habka ay u socoto shaqadana uu ka soo dhagaystay madaxdii iyo shaqaalihii uu la kulmay.
 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: