HomeUncategorized

Aaska Qunsulkii hore ee Somalia u joogey Kenya oo maanta ka dhacay Nairobi.

Nairobi-19-Sep-2012-Magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya ayaa maanta lagu aasay AUN Marxuum Maxamed Cismaan Aadan Jigis (Edson) oo ah Qunsulkii hore ee safaarada Soomalidu ku leedahay Kenya.

Banki-Moon oo Ergey cusub u soo Magacaabay Somalia
Hawlihii caafimad ee dhakaatiirta ajaaniibta ah oo ka socda Garowe; dawladda oo kordhisay waqtiga joogitaanka dhakhaatiirta.
Baahin: Arbaca, Jan 04, Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossaso. Feer & faralaab kadib, Madoobe Nuunow oo loo doortay afhayeenka baarlamaanka federaalka; Bandhig ganacsi oo lagu soo bandhigay sanaaca wadani ah – gaari lagu sameeyey Galkacyo & marawaxad dab ka dhilinaysa hawada; Warbixin ku saabsan shirka Khaatumo II ee ka socda degmada Taleex, Sool; Lacag faalsa ah oo lagu qabtay Galkacyo & maamulka oo uga digay shacabka.

?

Nairobi-19-Sep-2012-Magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya ayaa maanta lagu aasay AUN Marxuum Maxamed Cismaan Aadan Jigis (Edson) oo ah Qunsulkii hore ee safaarada Soomalidu ku leedahay Kenya.
?
Aasaka Qulsulka ayaa waxaa ka qayb galay, xubno ka socda ?Wasaarada arimaha dibada dalka Kenya,Masuuliyiin ka socda safaaradaha dalal kala duwan oo ku yaala Nairobi, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia, Wasiiro ka tirsan maamulka Puntland, Ganacsato Somaliyeed, Culimo, iyo kumanaan kamid ah shacabka Somaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi.
?
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo kamid ahaa masuuliyiintii ka qayb galay aaska Marxuum Edson, ayaa Radio Daljir u sheegay in aasku u dhacay si heer qaran ah,
?
Sidoo kale wasiirku wuxuu tacsi u diray dhamaan umada Somaliyeed oo uu tilmaamay inuu ka baxay shaqsi waxbadan usoo qabtay umada Somaliyeed mudadii uu shaqaynayey.
?
Eng Siciid Maxamed Gaare Wasiirka Dekedaha, gaadiidka Badda iyo ladagaalanka Burcad Badeedda Puntland oo isaguna kamid ahaa wasiirada Puntland ee ka qayb galay aaska Qunsulka, ayaa sheegay in si heer qaran ah loo Duugey marxuumka wuxuuna tacsi u diray dhamaanba dadka Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan.
?
Safiirka dalka Kenya u jooga Somalia Md Maxamed Cali Nuur (Americo) oo isna la hadlay warbaahinta Radio Daljir ayaa ka warbixiyey waxqabadka iyo taariikhda Marxuum Maxamed Cismaan Aadan (Edson) oo maanta lagu aasay magaalada Nairobi.
?
Wuxuu sheegay in lagu xasuusto kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee uu ka qaatay soo dhicinta dhismaha safaarada Somalia ku leedahay dalka Kenya oo uu tilmaamay la’aantiis inaan wax badan suurta galeen.
?
Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cismaan Aadan Jigis (Edson) wuxuu ahaa aqoon yahan Somaliyeed oo ilaa 2005 kasoo shaqaynayey safaarada Somalia ee dalka Kenya, Edson wuxuu xalay u geeriyoodey xanuun ?hayey mudo sanad ku dhow, intii uu xanuunsanaa wuxuu xaalad caafimaad u tegey dalka Talyaaniga halkaasoo uu kusoo qaatay daawooyin iyo qaliino kala duwan.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: