DHEGEYSO-Khudbadihii laga jeediyey aaskii loo sameeyey madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse.

Boosaaso, Feb 14 2017-Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Cadde ayaa maanta lagu aasay magaalada Bossaso kadib markii uu todobaadkii hore ku geeriyooday dalka isku tagga imaaraadka Carabta, waxaana diyaaradda wadday maydkiisa ay soo cagadhigatay garoonka diyaaradaha ee Bossaso Abaarihii Sagaalkii saac ee saaka.    

Aaaska madaxweynihii hore oo ahaa mid loo maamuusay  heer qaran, wazxaa ka qaybgalay madaxka socotay dawladda federaalka oo uu hoggaaminayey R/wasaarah xilhayntiisa dastuuriga ahi dhammatay ee Soomalaaiya Cumar Cabdirashiid, iskuguna jira golayaasha dawladda federaalka, madaxa sarsare ee Puntland, sida madaxweynaha, kuxigeenkiisa, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxda dhaqanka ee Puntland.    

Intii aan la aasin madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse madaxda siyaasadda iyo ku dhaqanka ayaa jeediyey khudbado ay kaga hadlayeen aqoontii ay u lahayeen Cadde Muuse, raaciyeyna tacsi la xiriirra geeridiisa, waxaana ugu horrayn hadlay Shiikh Axmed Daahir Awcabdi, iyadoo kadibna madax iyo masuuliyiin badan hadleen.


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com