HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo lagu wado inuu furo kalfadhiga barlamaanka dowladda Puntland.

Garoowe, Oct 29 2016--Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta waxaa lagu wadaa inuu ka furmo kalfadhigii dastuuriga ahaa ee barlamaanka Puntland.

Gal-Mudug oo ka Hadashay Dagaalkii ay Al-shabaab la Galeen
M/weyne Siilaanyo oo ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee C/llahi Yusuf Axmed.
Xoghayaha guud ee Q.M oo Muqdisho kula kulmaya madaxda dowladda Soomaaliya.

Garoowe, Oct 29 2016–Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta waxaa lagu wadaa inuu ka furmo kalfadhigii dastuuriga ahaa ee barlamaanka Puntland.

Kalfadhiga barlamaanka oo lagu wadey inuu furmo saddex cisho kahor ayaa baaqday kadib madaxweynaha dowladda Puntland oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Boosaaso.

Mudada uu socdo kalfadhiga maanta furmi doona ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda guud ee Puntland, arrimaha Soomaaliya iyo qodobada kale ee barlamaanka horyaal.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo furi doona kalfadhiga saaka ayaa shalay galab lagu soodhoweeyey duleedka magaalada Garoowe, isagoona soo gabagabeeyey safarkiisii gobolada Bari iyo Karkaar.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: