M/weyne Siilaanyo oo ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee C/llahi Yusuf Axmed.

Hargeysa, Mar 23 – Dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa tacsi loogu diray eheleda, qaraabada, asxaabta iyo shacabka Somaliyeed geerida Alle ha u naxariistee C/llahi Yusuf Axmed, M/weynihii hore ee Somaliya.

Dhamaablka ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ka tiiranyeysan, waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliya ee uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Somaliya MARXUUM CABDILAAHI YUUSUF AXMED.

MARXUUMKA oo ku geeriyooday imaaraadka Carabta gaar ahaan Abu-Dubai 23/03/2012.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga soomaaliya ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdilaahi Maxamed Daahir
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com