HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Ka Mahad-celiyay Marti-Qaadkii Ugaas Maxamuud Sheekh

Sabti, September 19, 2015 (Daljir)_ Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa deegaanka Daarasalaam ee Gobalka Mudug kaga qeyb galay qado sharaf uu u sameeyey Ugaas Maxamuud Shiikh Cabdulqaadir Shoole.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Kismaayo kaga qayb-galay Caleema saarka Barlmaanka Jubbaland
(Dhagayso) Faysal Rooble: PM Cumar waa ku liidnimo inuu Puntland ku darqiyo nidaam xaaraan ah.
Mahad Cawad ?saddex maalmood kadib ayaa baarlamanku ka doodi doonaa qorshaha Bankiga?

Sabti, September 19, 2015 (Daljir)_ Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  deegaanka Daarasalaam ee Gobalka Mudug kaga qeyb galay qado sharaf uu u sameeyey Ugaas Maxamuud Shiikh Cabdulqaadir Shoole.

Madaxweynaha iyo wefd balaaran oo uu hogaaminayey ayaa markii ay gaareen deegaankaasi waxaa si habsami leh u soo dhaweeyey Waxgarad, Isimo, Cuqaal, Haween iyo dhalinyaro watay calanka Puntland iyo caleemo qoyan.

Soo dhaweyn kadib ayuu madaxweynuhu waxaa uu deegaankaasi ku abuuray geedka Nabadda iyo Horumarka oo qeyb ka qaadanaya bilicda Deegaankaasi, waxaana uu sidoo kale dhagax dhigay Xarunta Booliska ee deegaanka Daara-salaam oo lagu dhisayo Barnaamijka isku tashiga Puntland.

Qado sharafta ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Cuqaal, Nabadoono, Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale oo lagu martiqaaday qada sharafta uu Ugaas Maxamuud Shiikh Cabdulqaadir Shoole u sameeyey Madaxweyne Gaas.

 Qadada kadib ayaa waxaa madasha khudbado kala duwan ka soo jeediyey dhammaan salaadiintii lagu casumay, waxaa ayna Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ku amaaneen dadaalka horumarineed ee ay dalka kawadaan gaar ahaana Gobalka Mudug.

 Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay koobta ay qado sharaftu ka dhacday ayaa sheegay  in meel wanaagsan ay marayaan mashaariicda horumarineed ee guud ahaa dalka ka socda , gaar ahaana Gobalka Mudug oo qaaday dhabada wanaaga iyo horumarka .

\\\"\\\"

 ‘Waxaan rabaa inaan ka mahadnaqo taageerada loo muujinayo Barnaamijka horumarinta , runtiina wanaag badan ayey dadku noo muujiyeen , taageerada shacabka iyo isimadana waan ka mahadcelin ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: