HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Muqdisho u tagaya Shir

Sabti, September 19, 2015 (Daljir)_ Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa saaka ka ambabaxaya magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug si ay uga qaybgalaan shir kadhacaya magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Gaas oo Gaalkacyo kula Kulmay Ganacsato Itoobiyaan ah
Dhagayso Warkii Fiidnimo ee Radio Daljir Jimce 26 – March – 2016 Khadar Cawl Ismaaciil
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Khadar Cawl.

Sabti, September 19, 2015 (Daljir)_ Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa saaka ka ambabaxaya magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug si ay uga qaybgalaan shir kadhacaya magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa safarkaan ku weheliya xubno katirsan golayaasha xukuumadda iyo barlamaanka ee dowladda Puntland, kuwaasi oo dowladda Puntland u matali doona shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka qaybgelayaan madaxda dowladda federalka ah iyo maamulada kajira Soomaaliya.

Shirkaan looga hadlayo aayaha wadanka Soomaaliya ayaa yimid kadib kulan mudo kooban socdey oo dhowaan kadhacay magaalada Kismaayo kaasi oo ay dowladda Puntland ka qaybgalkiisa ka baaqatay maadaama madaxweynaha iyo waftigiisu ay Kismaayo u tageen ka qaybgalka caleemasaarkii madaxweyne Axmed Madoobe.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: