HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas iyo Wafdigiisa oo ku wajahan Magaalada Bahri Dar

Jimco, Abriil 17, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxmed Cali Gaas oo shalay galinkii danbe gaaray magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Haila-mariam Desaliegn iyo xubno ka tirsan wasaarada arimaha dibadda Itoobiya.

Madaxweyne Xasan sheikh oo New York kula kulmay madaxda dalal kale iyadoo uu furmay shirkii QM
Madaxweyne Gaas iyo safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo Nairobi ku shiray
Sarkaal sare oo ka tirsan Alshabab oo qirtay guul-darro; khasaaraha dagaalka oo sii badanaya iyo goobo horleh oo dagaalku ku fidayo.

Jimco, Abriil 17, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxmed Cali Gaas oo shalay galinkii danbe gaaray magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Haila-mariam Desaliegn iyo xubno ka tirsan wasaarada arimaha dibadda Itoobiya.

Waxaa madaxweynaha shirkan ku wehliyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland, waxaana lagu wadaa in ay Itoobiya kaga qayb-galaan shirka Tana Forum oo ay soo xaadiri doonaan madax ka socota dalalka Afrika.

“Shirkan ayaa nalagu casuumay ,waxaana ku raja weynnahay in looga hadlo arimo muhiim ah oo la xiriira qaaraddan “ ayuu yiri madaxweyne Gaas markii uu gaaray Addis Ababa, waxaana shirkan oo socon doona laba maalin lagu qaban doonaa magaalada Bahari Dar.

Illaa hadda lama shaacin waxyaabaha sida rasmiga ah ay uga wada hadleen madaxweynaha Puntland iyo raysal –wasaaraha Itoobiya ,waxaana ka hor intii wafdiga Puntland aysan ka dhoofin Garowe ay sheegeen in madaxda Itoobiya ay kala hadli doonaan arimo la xiriira ganacsiga iyo amniga.

Sanadkan waxaa looga hadli  doonaa  shirka sidii looga sooci lahaa diimaha iyo maamulada, iyadoo si gaar ah loogu falan-qayn doono in dadka haysta diimaha iyo dhaqamada kala duwan ay u sinnaadaan sharciyada caalamiga ah .

Ugu dambeyn, war kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in marka uu shirku soo dhamaado uu madaxweynaha Puntland si gaar ah ula kulmi doono jaaliyadda reer Puntland ee Itoobiya ku nool.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: