Madaxweyne Gaas iyo safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo Nairobi ku shiray

Talaad, May 05, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa safaaradda Jarmalka ee Nairobi kula kulmay Safiirka waddanka Jarmalka uqaabilsan soomaaliya Ambassador Andreas Peschke, waxaana ay kawada hadleena guud ahaan jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya, kan geeska Afrika, sidii laysaga kaashan lahaa ladagaallanka argagixisada , xoojinta amniga iyo kobicinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Sifiirka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Peschke waxyaabihii ay sida qotada dheer uga wada hadleen waxaa ka mid ah xoojinta iyo dar-dar gelinta mashaariicda horumarineed ee dawladda jarmalku kafuliso Puntland sida mashruuca dayactirka waddada dheer ee isku xidha magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ee GTZ .

Sisidookale Madaxweyne Gaas iyo Ambassador Andreas Peschke ayaa waxay kawada hadleen mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha , Xoolaha , Beeraha , Kalluumaysiga iyo Biyaha sidii loo horu-marin lahaa iyo weliba sidii loogu heli lahaa taageero farsamo iyo tababarro sida caafimaadka, waxbarashada , amniga iyo hay’adaha kale ee dawladdaba.

Ambassadorka dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Andreas Pesxhke ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey booqashada Madaxweynaha wuxuuna balan qaaday in dawladda Jarmalku ay sii laba jibaarayso mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliso gudaha Puntland ayna mar walba la garab taagan yihiin waxii awoodooda ah.

Kulankan ay wada qaateen Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan , guul iyo is afgarad.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com