Madaxweyne Farmaajo oo Masar kaga Qayb galaya Shirka Ganacsiga Africa

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo Masar kaga Qayb galaya Shirka Ganacsiga Africa

Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar waxaa maanta ka furmaya shir wadatashi ah oo ku aadan arrimaha horumarinta ganacsiaga Qaaradda Africa oo ay mar

A letter to My beloved Somalia
Dowladda Cuba oo xaqiijisay badqabka Dhaqaatiir looga afduubtay Kenya
Fiqi oo sheegay Guddiga uu magacaabay khayre inay xafiiskiisa ka tirsanyihiin

Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar waxaa maanta ka furmaya shir wadatashi ah oo ku aadan arrimaha horumarinta ganacsiaga Qaaradda Africa oo ay martigelinayso dowladda Masar.

Soomaaliya waxaa uga qebgalaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaaladaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa siweyn loogu sooo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Sharma-Alsheekh,waxaana soo dhaweyeey diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Masar iyo madax katirsan dowladda dalkasi.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa safarkiisa Masar ku wehlinaya Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa shirka uu socon doonaa muddo 2 maalmood ah, iyaddoo lagu gorfeyn doono horumarka ganacsiga Qaaradda Afrika.

Marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirkaas Masar ka dhacaya ka qeyb gali doona qaar kamid ah Madaxda wadamada Afrika, waxayna Madaxdasi shirka Gacansiga Africa 2017 Forum ka jeedin doonaan khudbado.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: