Dowladda Cuba oo xaqiijisay badqabka Dhaqaatiir looga afduubtay Kenya

HomeWararka

Dowladda Cuba oo xaqiijisay badqabka Dhaqaatiir looga afduubtay Kenya

Dowladda Cuba ee Cuba ayaa xaqiijisay in ay badqabaan laba dhaqtar oo u dhashay dalkaas kuwaas oo Bishii April ee sanadkan laga afduubtay Mandheera is

Caawa & Daljir iyo Axmed Shiikh Maxamed (Tallman), Daljir Bossaso (dhegayso)
Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Cabdinaasir Jeekey (dhegayso)
Shir looga hadlayo ganacsiga dalalka Talyaaniga iyo Soomaaliya oo kadhacay Muqdisho (dhegayso)

Dowladda Cuba ee Cuba ayaa xaqiijisay in ay badqabaan laba dhaqtar oo u dhashay dalkaas kuwaas oo Bishii April ee sanadkan laga afduubtay Mandheera islamarkaana lala galay gudaha Soomaaliya.

Ines Maria Chapman, oo ah Madaxweyne ku xigeenka Golaha wasiirrada dalka Cuba ayaa wariyayaasha ugu sheegtay Magaalada Havana in labada dhaqtar ay caafimaad qabaan dowladda Cuba oo kaashaneysa Kenya ay ku howllanyihiin siideyntooda.

Waxaa ay ka warbixineysay socdaal ay ku tagtay dalka Kenya,waxaa kale oo ay sheegtay in dhaqaatiirta kale ee Cuba u dhashay kana howlgala Kenya oo hadda ah 98 Dhaqtar ay dhamaantood badqabaan.

Ines Maria Chapman, ma sheegin goobta lagu hayo labada dhaqtar iyo tallaabooyinka ay ilaa hadda qaadeen si dhaqaatiirtaas xorriyaddooda dib ugu helaan.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhaqaatiirta kale ee u dhashay Cuba dib u dejin loo sameeyay lagana wareejiyay aagga sohdinta Soomaaliya lana dejiyay meel u dhow caasimadda Nairobi.

Cuba ayaa horay u sheegtay in kooxda heysata labada dhaqtar ay dalbadeen madaxfurasho dhan $1.5Milyan oo doollarka Mareykanka ah inkasta oo aan la caddeyn in Cuba bixineyso haddana dowladda Kenya ayaa xilligaas sheegtay in siyaasaddeeda arrimaha dibadda aysan ahayn bixinta madax furasho.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    WAA DHAQAATIIR LAGU GUUREY!!!.WAA WAX DHACA INTII MEEL LAGUU DIRO IN KOOXO KALANA LAGAA DABA DIRO DABADEWDNA LAGU AFDUUBTO,WAXAAN ARKAA DHAQAATIIRTA & ALSHABABA IN HALMEEL LAGA DIREY!!!SIRDOONKA KENYANA AY OGYIHIIN.
    ALMACNAWIYAN KENYA WAXAY KA RABTAY ARINKAAS WAA UUN KU CEEBAYN SOMALIYA AH!!!.
    LKN LABADAAN DHAQTAR WAA MASAAKIIN AAN WAX OGAYN OOLAGU GUUREY!!!!.
    KENYA XITAA U.N-ka BAY GEYSAY IN SOMALIYA CUNAQABATAYN LAGUDOO ROGO,LKN WALAGA DIIDEY!!! OOWAXAA LOO ARKAY KA BADBADIN & NACAYB AY SOMALIYA U HAYSO!!.
    OK,KA ALSHABSBKA FANGAREEYAA GOLAHA AMAANKA EE U.N-ka FADHIYA!!!KKKKK.
    KENYA WAXAY INAGA RABTO WELI LAMA GAARIN!!!!.LLKN SOMALI DERISNIMO & WUXUUN BAY XEERINAYSAA LKN ADOON SAWAAXILIYA OO KHAMRI KASOO DHERGEY OO SAKHRAANSAN DERISNIMO & WANAAG MA YAQAAN & IN DHUL & DAD SOMALIYED KU MAQAN YAHAYBA.MABA OGA!!.KAASOO KALANA KARBAASH BAA U CAQLIYA WAAYO CAQLI KAA KAXAYN MAAYO!!!.
    MAAHMAAHDA SOMALIYED EE CAJIIBKA BAA DHAHDA:
    “NIMAAN SHANTAADU KA REEBIN SHARCI KAAMA REEBO”.
    LIBAAX DHAAWACMAY DAWACAA KU DHEELDHESHA!!!!
    SOMALI BAA DHAAWACOO WAA SABABTAAS SABABTA KENYA MARBA NOO MARMARINAYSO CEEBAYN..
    QIIMEE UJEEDKA WARKAAS OO AH(DHAQAATIIR MANDHERA LAGA AFDUUBTAY OO SOMALIYA LALA AADAY!!!!!).WAA UUN SOOMALIYANA IN LAGA DHIGO MEEL BAHALO GALEENA!!!.SI DUNIDU UGA MAAGTO SOMALIYA!!!!.
    LKN AAWAY SAXAAFADII GARAN LAHAYD WARKAASOO KALE??GARAN LAHAYD INAYSAN SOOBA DAYN,BUUNBUUNIN.
    SIRDOONKA KENYA IYAGAA LA QARAABTA ALSHABAB.IWM.

DISQUS: