Fiqi oo sheegay Guddiga uu magacaabay khayre inay xafiiskiisa ka tirsanyihiin

HomeWararka

Fiqi oo sheegay Guddiga uu magacaabay khayre inay xafiiskiisa ka tirsanyihiin

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hor-yimid magacaabidii Guddiga Qaban qaabada Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug, kaasoo uu xalay ku dhawaaq

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulamo uga bilaabanayaan dalka Kuwait
Cabdirashiid Janan oo ka soo muuqday magaalada Beledxaawo
Wariye Kilwe Aadan maamulaha Kilwe Media oo faahfaahin ka bixiyey xariggii loo geystey

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hor-yimid magacaabidii Guddiga Qaban qaabada Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug, kaasoo uu xalay ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha, isagoo su’aal ka keenay qaar ka mid ah xubnaha Guddiga ku jira inay ka shaqeynayaan danta Galmudug.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr Sabriye in wasaaraddiisa ay noqotay mid waraaqaheeda sidii la rabo wax loogu soo qorto, isagoo xusay in xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta ay intooda badan ka tirsan yihiin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

“Guddiga Dibuheshiisiinta Galmudug lagu sheegay marka laga reebo dhowr qofood, intooda badan waxey ka tirsan yihiin xafiiska RW Kheyre oo mushaari ka yihiin, Ma Galmudug danaheeda ayay ka shaqeynayaan mise danaha Kheyre ka leeyahay Galmudug? waxaan rajaynayaa in aysan horseed u noqon kala geynta dadka Galmudug”ayuu yiri Axmed Fiqi.

Sidoo kale waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in warqad shalay ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo magac ku jiray uu warqadii xalay soo baxdayna ku jiray, kaasoo uu ula jeeday Siyaasiga C/raxmaan Baadiyow oo ku jira labada Guddi ee magacaabidooda ka soo kala baxay Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha.

“Waxaa la yaab leh warqad guddi kale lagu magacaabayo oo shalay ka soo baxdey Xafiiska Madaxweyne Farmaajo magac ku jiray ayaa middii xalay saq dhexe soo baxdeyna ku jiray, waxaa ka muuqata kooxda Villa Somalia in dadkii ay ku kalsoonaayeen ay ku sii yaraanayaan illaa hal qof magaciis meel walba lagu arkay”ayuu yiri Mr Fiqi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: