Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Hay’adaha Amniga iyo Guddiga Gurmadka Dhaawacyada Qaraxii D/Hoose ee Xamar (Daawo)

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Hay’adaha Amniga iyo Guddiga Gurmadka Dhaawacyada Qaraxii D/Hoose ee Xamar (Daawo)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u

Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galaya shirka dhamaystirka Deyn-Cafinta
Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay Amisom Xiligay Somaaliya kabaxayaan
Ololaha Tallaalka Xoolaha Puntland oo Garoowe lagu Daahfuray (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab.

“Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta.

Hoos kaga bogo oo ka daawo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: