Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka Jeedinaya shir madaxeedka AU-Da

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka Jeedinaya shir madaxeedka AU-Da

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in lagu soo Gaba-gabeeyo Shirka Madaxeedka 33-aad ee Midowga Afrika, kaasi oo shalay si rasmi ah u furmay.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax Caalami ah oo ka socota dalal kala duwan, waxaana dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa inuu Khubad ka jeediyo Shirka Madaxeedka Midowga Afrika, waxaana uu uga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ku aadan dalka Soomaaliya, wuxuuna soo bandhi doonaa muddadii la soo dhaafay, caqabadaha ku xeeran dowladda iyo fursadaha u baahan in sida wadajirka ah looga faa’iideysto qaarad ahaan.

Qodobada ugu muhiimsanaa ee shirkaaas looga hadlayay ayaa waxaa kamid ahaa dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com